Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Puntland ay weerar ku qaadeen, isla markaana ay hareereeyeen Guriga taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska gobolka Bari G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale.
Taliyaha ayaa la sheegay inuu amar-diido ku dhaqaaqay, isagoo ku gacan seyray inuu wareejiyo hub uu maamulka lahaa oo gacantiisa ku jiray, waxaana markaas kadib la arkay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwasoo isku wareejiyey Guriga Taliye Abshir Axmed.
Wararka aya sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlay guriga oo ay isku horfadhiyeen ilaalada sarkaalkan iyo ciidamadaa, waxaana la sheegay in markii dambe la kala qaaday labadii ciidan, waxaana halkaasi tegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Xubno uu ka mid yahay wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan iyo taliyaha Booliiska Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ka hortegay dagaal labada dhinac dhex mara, iyadoo ay socoto waanwaan hubka looga wareejinayo.