Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Puntland oo fooda gelin la’ Togga Suuj & Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka

Wararkii ugu danbeeyay ee degaanka Suuj oo dagaal ku dhex marayo maalintii labaad ciidamada Puntland iyo dagaalyahanno Alshabaab ah oo xeebaha degaanada Mudug iyo Nugaal ka degay ayaa sheegaya in dagaaladu ay dib uga bilowdeen halkaasi.

Ciidamada Puntland ee dul fadhiya  Togga Suuj ayaa madaafiic ku gacaaracaya Godadka waaweyn ee Toggaasi waxaana dagaalku u badan yahay madaafiic lagu garaacayo goobta ay ku jiraan xooggaga Alshabaab.

Togga Suuj ayaa waxaa ku xeeran dhul qarar iyo buuro ah oo ay adag tahay in askarta dhulka ay galaan, taasina waxay sii adkeysay dagaalkii la filayay in kooxdaasi looga saaro Suuj oo hadda sii adkaanaya, waxaana ciidamada Puntland sii wadaan madaafiicda.

Ma jiro aagag cusub oo ciidamada Puntland ay fureen weli iyadoo degaano kale oo saddex goobood ay ku sugan yihiin maleeshiyada Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON