Maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaabkii ciidamada Al-shabaab u qabsadeen magaalo xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug oo gelinkii dambe ee shalay ay la wareegeen ciidamada Al-shabaab.
Gudoomiyaha deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegay in xiliga Al-shabaab qabsanayeen deegaanka uu ku sugnaa magaalada balse markii dambe ay isaga baxeen.
Ku dhawaad 150 askari oo Alshabaab ah oo wata doomo dheereeya ayuu sheegay iney la wareegeen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug oo ka tirsan deegaanada maamulka Puntland.
C/Nuur C/laahi Xersi wuxuu sheegay in maamulkooda uu sameyn doono dadaal kastaa oo dib ay ugu qabsanayaan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa haatan heegan la geliyay, waxaana xalay masuuliyiinta maamulkaasi ay yeesheen kulamo deg deg ah oo ku saabsan xaalada deegaanka Garacad kusoo korortay.
Goobjooge.com