Monday, July 14, 2025

Ciidamada Somalia iyo AMISOM oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka laga hgelayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay la wareegeen degaanada Jacar iyo Deri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in ciidamada wada socda ay dagaal  la galeen maleeshiyo ka trisan Alshabaab oo ku sugnaa labadaasu tuulo intii aanay kadib isaga bixin, Jacar iyo Deri waxay 40 KM dhanka Koofur kaga beegan yihiin  Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Qasaaraha dagaalka ayaan wax faahfaahin laga bixin, waxaana qasaaruhu soo gaaray labada ciidan ee dagaalamay, markii ay ka barakaceen dadkii rayidka ahaa.

Degaanadan waxaa muddo badan maamulayay kooxda Al-shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON