Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay xireen aabaha dhalay fanaanka caanka ah ee Nimcaan Hilaac.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada ammaanka Somaliland ay xoog ku galeen Guriga Qosyka Nimcaan Hilaac, kadibna ay ka waayeen iyagoo heystay xog ah inuu qarsoodi ku soo galay magaalada Boorame.
Ciidamada ayaa markii ay waayeen fannaanka waxay xireen aabihiis C/raxmaan waxayna xubno ka tirsan qoyska fannaanka ay sheegeen inay jirdil u geysteen qoyska fannaanka, isla markaana ay ay xireen Nimcaan aabihiis C/raxmaan Xasan, walaashiis iyo inan uu abti u yahay.
Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa la sheegay inuu dhinaca dhanka Jabuuti kasoo galay Magaalada Borama, kadibna uu dib u laabtay markii uu ka war helay in la baadi goobayo laakiin ay ciidamada dhibaato u geysteen qoyskiisa.
Maamulka Somaliland ayaa u muuqda inuu weli hayo tabtii uu kula dhaqmi jiray fannaaniint kasoo jeeda degaanka Waqooyi ee booqata Muqdisho.
Dhinaca kale dadweynaha magaalada Boorama ayaa dhigay bannaanbax ay uga horjeedaan falka ay ciidamada Somaliland kula kaceen qoyska Fannaanka Nimcaan Hilaac oo xalay ay weerar ku qaadeen gurigooda, ayna jir dileen xubno ka tirsan qoyska, iyadoo saddex qof xabsiga u taxaabay.
https://youtu.be/zNI-ftCVuXY