Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka oo beeniyay in la boobay Xerada ciidamada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa beeniyay wararka ku sabasan inuu boob ka dhacay Saldhiggalagu tabbarro ciidamada Imaaraadka ee Gen. Gordon sida ay sheegeen saraakiil milateri.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacyigelinta ee ciidamada xoogga dalka Col. C/amiid Sheekh Cali ayaa sheegay in aysan jirin eedeeyntaasi, wuxuuna tilmaamay in la baahiyay warar been ah oo aanay waxba ka jirin.

Warka hor u soo abxay ayaa ku eedeeyay saraakiil ka tirsan ciidamada inay qaateen Gaadiid dagaal, kadib markii saraakiil ka socotay dowlada Imaaraadka ee tababarayay ciidamada dowlada ay u sheegeen inay joojiyeen howshii ay ka hayeen Soomaaliya.

Sarkaal lagu magacaabo C/llaahi Cumar Cali oo ka mida Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee ku sugan xerada Tababarka Dowladda Imaaraadka carabta ayaa shaaciyey in saraakiil kale ku eedeeyay oo milatariga ka tirsan in ay qaateen Dhowr gaari oo nuuca dagaalka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON