Taliyaha xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii shalay ka dagaal galay Awdheegle ee jabka culus gaarsiiyey Khawaarijta si loo dalacsiiyo.
Taliyaha ayaa xusay in madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh uu salaan uga sido ciidanka geesiyaasha ah ee shalay dhabarka ka jabiyey Alshabaab, wuxuuna sheegay in askari walba oo hawlgalkaas ku guuleystay la dalacsiiyey 2-darajo.
Jeneraal Ibraahim Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijtu markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Awdheegle, taasina ay muujinayso adkaysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka.