Monday, July 14, 2025

Ciidamadii dowladda Federaalka ee Dhuusamareeb ka baxsaday oo tegay Cadaado

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa magaalada Dhuusamareeb iyo xarunta Gobolka Galgaduud oo isaga baxay kadib markii ay kala wareegeen ciidamada garab ka mida ururka Ahlu Sunna ayaa gaaray degmada Cadaado iyagoo soo faaruqiyay degaanadoodii.

dhuusamareeb

Ciidamada dowlada oo watay baabuur fara badan oo kuwa dagaalka ah ayaa dagaal kooban la galay maleeshiyada Ahlu Sunna, waxayna kadib ka firxadeen degaanka xilli hogaankooda ay ku sugnaayeen Cadaado. Afar askari oo ka mida ciidamada dowladda ee isaga cararay Dhuusmareeb ayaa gaari ay la socdeen ku qalibmay afaafka hore ee degmada Cadaado iyadoo ay laba kamid dhaawacyadooda halis yihiin.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Maleeshiyada garabka Ahlu Sunna ay si buuxda ula wareegeen Dhuusamareeb isla markaana ay galeen guryaha mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha madaxtooyada ee degmadaasi.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON