Wararka laga helayo dgaalka saaka ka qarxay aagga Garacad ee dhex maraya ciidamada Puntland iyo Alshabaab ayaa sheegaya in Ciidamadii Puntland oo dib uga gurteen aagga dagaalka kadib markii dagaalkaasi uu noqday kii ugu weynaa si toos ah labada ciidan u dhex mara, isagoo dhaliyay qasaare labada dhinac soo gaaray oo dhimasho, dhaawac iyo gaadiid la gubay isugu jira.
Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Garacad oo dhul bannaan ah, taasoo keentay inuu qasaaruhu bato. Puntland ayaa sheegayay inay qasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Al-shabaab, ayna ka dileen dagaalyahano ku dhow 20, waxayna qirten in dhinacooda ay jirto dhimsaho aanay cayimin iyo Gaari kuwa dagaalka ah oo laga gubay.
Ciidamadii Puntland oo dib uga gurtay
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay dagaalka joojiyeen Galabta casirkii iyagoo dib ugu laabtay Garacad, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Puntland.
Goobta dagaalka ka socdo ayaa lagu magacaabaa Kor-dhafaruur, waxyana 18 KM u jirta deganka Kulub, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in weli la maqlayo dhawaqa rasaasta hubka waaweyn iyo kuw yaryar oo labada dhinac ay is-weydaasanayeen. Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an, waxaana yar wararka laga heli karo dagaalka saaka ka bilowday aagga Garacad ee gobolka Mudug.
Madax ku sugan furimaha dagaalka
Wasiirka Amniga Puntland iyo madax kala ayaa ku sugan Garacad, waxaana lagu wadaa dib loo abaabulo ciidamada oo ay mar kale ku noqdaan dagaal ay la galaan kooxda ku sugan duleedka Garacad oo la sheegay inay tahay kooxda ugu adag Alshabaab-ka galay Putnland.
Dhinaca kale wararka laga helayo degaanka Suuj oo ay ka baxeen dagaalamayaashii Alshabaab ayaa sheegaya in weli ay jiraan ciidamo Alshabaab ka tirsan oo ka baxsaday Suuj kuna faafay degaano kale oo halkaasi ka dhow, iyadoo ciidamo ku daba jiraan.
Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay dagaalkii Togga Suuj oo lagu dilay ku dhowaad 50 ka tirsan Shabaab ay dileen sidoo kalana ilaa 30 Maxbuus oo shabaab ay ay qabteen kuwaasoo , waxaana weli maqan maleeshiyo ka badan 100.
Maleeshiyada Alshabaab ee galay degaanada Puntland ayaanay jirin ilaa iyo hadda cid u hadashay, waxaana la isla dhex marayaa inay Alshabaab ka tirsan yihiin iyo inay ka goosteen Alshabaab oo ay yihiin garabka ku biiray Daacish, laakiin dagaalyahano la qabtay ayaa qaarkood laga soo xigtay inay yihiin Alshabaab.
Goobjooge.com