Wednesday, June 25, 2025

Ciidamadii qabsaday Xarunta Shirka ee magaalada Jowhar oo si farsameysan looga saaray

Jowhar
Jowhar

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamadii taabacsanaa musharax Cali Xasan Taakow oo maanta qabsaday xarunta shirka ee magaalada Jowhar ay isaga baxeen.

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadal hoose oo dhex maray musharaxa gadooday iyo wakiilo ka socday Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dowladda Soomaaliya oo keenay in la is afgarto.

Musharaxan oo dowladda Soomaaliya siiba madaxtooyada ku eedeeyay inay musuqmaasuq geiyeen shirkii maamul  u sameynta Hirshabeelle, isla markaana ku dhawaaqay inuu joojisay shirka (Dhageyso) ayaa iminka si hoose loo afgartay iyadoo aan la shaacin wixii lagu heshiiyay.

Ciidamadii qabsaday goobta shirku ka socdo oo ku lebisnaa dareyska ciidamada, ahaana ciidamo beeleed ayaa si nabad ah uga baxay xaruntii  shirka iyadoo aan wax iska hor imaad ah dhicin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON