Sunday, July 13, 2025

Ciidamadii Qowmiyada Tigray ee Nabad ilaalinta u joogay Dalka Sudan oo magangalyo waydiistay dalkaasi

Colaadda dalka Itoobiya ayaa saameyn ku yeelatay ciidamada dalkaasi ee nabad ilaalinta u joogay dalalka dibadda, kadib colaadii ka dhacday Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi.

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay askar ka badan 100 oo ka tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Suudaan ay ka dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan.

Ciidamadan ayaa ka tirsanaa howlgalka Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhowaan shaqadoodii dhammaatay. Waxay arrintan ayaa kusoo beegantay, markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in askar dhan 120 markii ay howlahoodii dhamaadeen badalkii ay ku laaban lahaayeen dalkooda ay magangalyo waydiisteen dalka Sudan.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay tacadiyo waaweyn ka geystay Gobolka Tigray oo sidoo kale ay tageen ciidamo ka socda dalka Eritrea, waxaana sii xoogeystay eedeeymaha la xiriira inuu xasuuq k dhacay dagaalkii gobolka Tigrey

Bishii February ciidamo kale oo asal ahaan ka soo jeeday gobolka Tigrey oo nabad ilaalin u joogay dalka Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale diiday in ay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON