Sunday, July 13, 2025

Ciidamadii sida Qarsoodiga ah loogu soo tababarray Eritrea oo Muqdisho lagu soo celiyay

Ciidamo ay si qarsoodi ah dowladda Federaalka Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka Eritrea ayaa qaarkood dib ugu soo laabtay dalka.

Ciidamadan oo markii hore loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar ayaa ku danbeeyay dalka Eritrea oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana eheladda askartan ay waayeen xiriirkooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, taasoo keentay inay warbaahinta ka baafiyaan wiilashooda.

Wararka laga helayo garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay ciidamadaas oo boqolaal ah magaalada Muqdisho lagu soo celiyey, kadib muddo 9 bilood ah oo tababar gaara ay kusoo qaateen dalka Eritrea.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa walaac badan ka muujiyey ciidamada dowladda Soomaaliya u dirtay dalka Eritrea oo aad u duwan ciidamada lagu soo tababarro dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Uganda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON