Thursday, June 26, 2025

Ciidamadii ugu horeeyay ee Dowladda Turkiga u tababartay Soomaaliya oo loo dhaariyey Difaaca Dalka [Daawo]

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu tababaray Turkiga ayaa loo dhaariyay Difaaca Dalka, iyadoo Kitaab quraan ah lagu dhaariyey saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Askartan tababarka dhammeystay ee la dhaariyey ayaa  gaaraya 138-askari, iyadoo lagu dhaaroiyey qoraal ay ku qoran yihiin ereyo ku saabsan difaaca dalka, iyadoo ku dhaartay inay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, una difaacaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa.

Munaasabadda dhaarinta waxaa joobjoog ka ahaa abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya. 

Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON