Burcad dhac ku heysa dadka iyo rakaabka saaran gaadiidka ayaa ka dilaacday Gobolak Shabeelaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye.
Falkii ugu danbeeyay ayaa halkaasi ka dhacay shalay markii kooxo hubeysan ay degaanka Busley ku qafaasheen Gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose, iyagoo dhac u geysay in ka badan 20 qof oo saarnaa gaariga, kana furay lacag iyo qalab ay wateen.
Darawalka Gaariga falkaasi ku dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in haweenkii rakaabka ahaa qaarkood lagu amray inay eheladooda la xiriiraan oo lacago weydiiyaan si loogu diro telefoonada ay wataan burcadda iyagoo ugu hanjabay inay kufsanayaan Haweenka hadii aanay bixin lacag.
Kooxaha falkan geystay ayaa lagu eedeeyay inay kasoo jeedaan maamulka Koonfur Galbeed iyagoo xirnaa dareyska ciidamada dowladda.
Goobjooge.com