Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo cusub oo caawa la wareegay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda ee NISA kuna degan Galmudug ay la wareegeen Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado oo galabta dagaal ku dhex maray ciidamada miletariga  ee garooonka ammaankiisa qaabilsanaa iyo maleeshiyo ganacsatada Qaadka leeyihiin kadib muran ka dhashay canshuurka Qaadka.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa la geeyay caawa garoonka Cadaado iyadoo laga saaray ciidamadii kale, waxaana la sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ammaanka Garoonka Cadaado sugi doonaan ciidamaada NISA.

Qasaaraha dagaalka ayaan weli wax faahfaahin ah laga bixin, waxayna wararku sheegayaan inay socoto waanwaan ku sabsaan sidii  loo xalin lahaa  shaqaaqadii ka dhacday garoonka Cadaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON