Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo Faransiis ah oo qabtay hub fara badan oo Soomaaliya ku socday

Ciidamada badda ee Faransiiska ee ilaalinaya waqooyiga Badwaynta Hindiya ayaa qabtay markab ay saarnaayeen hub fara badan oo ay sheegeen inuu u socday dalka Soomaaliya.

Hubka waxaa ka mid ahaa boqolaal qoryo, hubka lagula dagaalamo taangiga iyo qoryaha darandooriga u dhaca. waana markii labaad ee ciidamada caalamiga ah ay qabtaan hub fara badan oo ku socday Soomaaliya.

Markabka ayaa waxaa arkay helikobtarada Faransiiska oo ka mid ah ciidamada caalamiga ee ilaalinaya Badwaynta Hindiya.

Ciidamada Faransiiska ayaa markabka ka helay hubka, waxay kaloo ogaadeen in markabka inuusan haysan magac waddan oo lagu aqoonsado.

Waxay ku qabteen markabka sharciga cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Ciidamada badda ee isbahaysiga ayaa ku tilmaamay guul qabashada markabka inkastoo aynan sheegin war la xiriira cidii markabka u rarnaa.

Qabashada markabkan waxay la mid mid tahay, horaantii bishan markii ciidamada badda ee Australia ay ku qabteen markab hub sida meel u dhow badda Cuman, oo sidoo kale la sheegay inuu Soomaaliya u socday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON