Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Philip Hammond oo shalay booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay sawiradda ciidamo gaara oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasoo dowladda Ingiriiska u tababartay inay la dagaalmaan argagixisada.
Ciidamadan oo hore qarsoonaa ayaa howlgal dhoolatus ah u soo bandhigay Wasiirka Arrimaha dibadda Ingiriiska, waxaana ciidamadan ay u eg yihiin kuwa nabadsugidda ee Mareykanku tababaray loona yaqaan Gaashaan, Gorgor iyo Waran.
Ciidamada ay dalalka kala duwani tababarayaan ayaa ku sii kordhaya Soomaaliya, siiba magaalada Muqdisho, waxaaana muuqata inaysan lahayn isku xir buuxda.
HOOS KA DAAWO
Goobjooge.com