Thursday, June 26, 2025

Ciidamo gaara oo la wareegay xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho

Ciidamo gaara oo ka tirsan kuwa Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir ayaa saaka la wareegay ammaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado inuu ka furmo mooshinka looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh.

CIIDAMADA NABAD SUGIDDA
CIIDAMADA NABAD SUGIDDA

Ciidamadan ayaa la sheegay inay hoostagaan Gobolka Banaadir, ayna soo dhoobeen halkaasi guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo nabad sugidda, waxayna wararku sheegayaan in cabsi weyn laga qabo shirka maanta ee Baarlamaanka inuu fowdo isu bedelo.

Madaxweynaha oo ka danbeeya mooshinkan ayaa amar ku bixiyay xalay inaan loo ogolaan xildhibaannada inay qas ka abuuraan gudaha shirka, iyadoo ciidamo fara badan gudaha iyo dibadda baarlamaanka la geeyay.

Xildhibaanada qaarkoo oo goobjooge.com lasoo xiriiray ayaa welwel ka muujiyay in ciidamadii qaranka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, waxayse balan ku qaadeen inay hor istaagi doonaan mooshinka siyaasadeysan ee madaxweynaha.

 

WIXII KA SOO KORDHA KALA SOCO GOOBJOOGE.COM

GOOBJOOGE.COM
MUQDISHO

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON