Wararka laga helayo degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Birmadka Booliiska maamulka Puntland ay wareegeen Kontaroolka iyo waaxdii canshuur qaadista (Kastamka) Degaankaasi.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin mushaarkoodii oo dhowr bilood la siin waayay. Koontaroolka Xarfo ayaa ah Goobta ugu weyn ee maamulka Puntland uu ka helo canshuurta ugu badan iyadoo lagu qaado canshuurta Badeecooyinka laga keeno Gobolada kale ee Puntland.
Ciidamadaan Birmadka Booliska ee Puntland ayaa ku hanjabay inay halkaasi heysan doonaan inta ay helayaan mushaarkoodii ka maqnaa. Waxayna arrintan ka mid tahay gadood baahsan oo ka jira degaanada Puntland.
Ciidamo kale oo ka tirsan daraawiishta Puntland ee Gobolka Mudug ayaa hore iyagoo gadoodsan la wareegay xarunta Bankiga Puntland Laantiisa Gaalkacyo iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxaase markii danbe looga saaray waanwaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]