Dowladda Federaalka ayaa mar kale maanta ciidamo hor leh ku daad gureysay Gobolka Gedo, kuwaasoo ka degay Garoonka Diyaaradhaa magaalada Doolow.
Wararka laga helayo Doolow ayaa sheegaya inuu xiran yahay Garoonka oo kaliya ay ka degayaan ciidamo dowladda Federaalka ka qaadeyso Muqdisho. Waxaa maanta la sheegay inay ilaa saddex duulimaad oo ciidamo cusub ah iyo saanad ka degaan Doolow, iyadoo saxafiyiinta loo diiday inay galaan garoonka ama sawirro ka qaadaan.
Shalay ayaa ciidamadii ugu badnaa dowladda u daad gureysay Gobolka Gedo, waxaana cidamada la geeyay ka mida kumaandooska gorgor iyo ciidamo nooc cusub ah oo la sheegay in lagu soo tababaray dalka Eritrea.
