Wednesday, July 2, 2025

Ciidamo hubeysan oo weerar ku qaaday, Gurigiisana kala baxay Weriye ka howlgala Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weriye ka howlgala gobolkaasi ay ciidamo kala baxeen gurigiisa.

Ciidamada ku sugan degmada Buulaburde ayaa xalay gurigiisa ku weeraray, kadibna ka kaxeysay wariyeya ka howgala magaaladaasi oo u shaqeeya idaacadda Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne iyo gobolka Hiiraan.

Lama sheegin sababta ka dambeysa weerarka lagu qaaday iyo sababta loo xitay weriyaha oo lagu magacaabo  Amiin C/asiis Sheekh Cali, waxaana la sheegay in aan la ogeyn meel ay ciidamadaasi u kaxeysteen.

Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cusmaan Makaraan ayaa sheegay inaysan  wax war ah ka heynin xaaladda wariyaha ay qafaasheen Ciidanka ammaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON