Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar u soo gabagabeeyay Cutubkii labaad ee Ciidamo ka trisan kuwa milatarige Xoogga dalka Soomaaliya tababar ugu dhammaaday duleedka magaalada Muqdisho.
Xaflada xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ayay qeyb galeen xubno ka socday labada gole ee dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka oo ay wehliyaan saraakiil ka socday dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka geysatay tababarka ciidamadaasi.
“Tababarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan oo dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku amaanay Dowladda Imaaraadka Carabta sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah oo ay siiso ciidamada dalka.
Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhaqaale iyo qalab milateri siiyay dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka, waxaana warar laga faafiyay lagu sheegay in ciidamadan loo wado dalka Yeman si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaq Xuutiyiinta ee Shiicada ah, waxaase wararkaasi ay noqdeen kuwo aanay jirin cid xaqiijisa.
Hoos ka daawo sawiradda







