Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay halkaasi ka socoto qabanqaabada soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaaraha iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa maanta ka degay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo lagu wado in Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiro la socda ay halkaasi gaaraan galabta.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xiriirka uu la leeyahay madaxda Maamul Goboleedyada aanu xumeyn sida Madaxweynaha ayaa horeba ugu diyaarsanaa inuu ku biiro shirka Dhuusamareeb, waxayna isku mowqif yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shirka wadatashiga wejiga labaad ee Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrinta ugu weyn ee la isku hayo oo ah Doorashada Dalka 2020/2021, waxaana sidoo kale magaalada Dhuusamareeb tegi doona Madaxweyne Farmaajo aakhirka toddobaadkan.
