Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dagaalameen halkaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku dhaceen kadib markii ay isku khilaafeen canshuur laga qaado goob jidgooyo ah, dagaalka ayaa socday muddo rubuc saace ah, waxaana ka dhashay qasaare dhaawac ah.
Laba askari oo ka mida ciidamadii dagaalamayay ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaalka, waxaan sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo shacab ah.
Waa markii labaad ee ciidamadan ku dagaalamaan degmada Mahadaay, iyadoo isku dhacyo hore ay dhaliyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Goobjooge.com