Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay qabsadeen baar uu ka socday dhismaha maamulka Mucaaradka ah ee Hiiraan State.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa dowladda ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka mida ciidamada gaarka ah ee guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.
Ciidamadan ayaa tegay Maqaayada Xasan Dhiif oo ay ku sugnaayeen dad shalay ansixiyay dastuur la sheegay inuu leeyahay maamul la baxay Hiiraan State, waxayna ku amreen dadkii goobta ku sugnaa inay isaga tagaan.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada Beledweyne, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in shirkii maamul u sameynta gobolka Hiiraan uu joogsaday.
Qaar ka mida odayaasha waday shirkaasi ayaa sheegay in ciidamada qaska ku abuuray ay yihin ciidamo uu leeyahay Yuusuf Dabageed ayna ka yimaadeen Degaanka Moqokori.
Goobjooge.com