Ciidamada AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddo 24 saacadood gudahood dilay 11 ruux oo shacab ah.
Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay laba meelood ay ku kala dileen mn lix iyo shan ruux oo shacab ah.
Falalkan ayaa ka dhacay duleedka Qoryooley, sida uu sheegay Gudoomiye Najax waxayna AMISOM Baasuuke ku dhufteen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lix qof ay ku dileen. Dhinaca kale Gaari ay AMISOM leedahay ayaa dardaray Reer dhan Guri ay deganaayeen, waxayna ku dileen hooyo iyo 4 caruur ah.
Dhageyso wareysiga VOA ee Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.
GOOBJOOGE.COM