Wednesday, June 25, 2025

C/kariin Guuleed oo ka hor yimid mooshinka Xasan Sheekh, go’aan yaab lehna ka qaatay Doorashada Jubba

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimo ka baxsan maamulkiisa oo quseeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba ee Koonfurta Soomaaliya.

Abdikarin Guled

Isagoo ka hadlayay xaflad soo dhoweyn ah oo magaalada Cadaado loogu sameeyay safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa sheegay in mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid qas gelinaya dowladda isla markaana aan xiligan loo baahneyn.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay ka noqdaan mooshinkaasi, isagoo intaas ku daray inuu qirayo inay xaq u leeyihiin xildhibaanada Soomaaliyeed inay xil ka qaadis ku sameyn karaan madaxweynaha, laakiin ay taladiisu tahay inaan is qabqabsi cusub la abuurin.

Dhimaca kale C/kariin Xuseen Guuleed wuxuu ku baaqay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Jubba oo lagu wado inay 15-ka Bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo inta xal looga helayo muranka ka taagan baarlamaanka Jubba.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON