Sunday, July 6, 2025

C/kariin Guuleed oo ka tegay Cadaado & xildhibaanadii xilka ka qaaday oo tallaabo kale qaadaya

Ciidamada Nabadsugidda NISA ee fadhigoodu yahay magaalada Cadaado ayaa ilaalo weyn haya hoteelada magaalada iyadoo amarro ku soo rogay xarunta Galmudug.

Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa lagu loo kala diray maanta saxaafadda iyo hoteelada Cadaado ku amray inaan la qaban karin shirar aanay fasixin madaxtooyada, lana tebin karin.

Xildhibaanada sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug ayaa maanta ku shiray magaalada Cadaado waxayka ku adkeysteen inay sameyn doonaan Guddi Doorasho.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho isagoo aan wax xal ah ka gaarin xaalada kacdoonka siyaasadeed ee ka taagan Cadaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON