Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilkii ka xayuubiyay wasiir ka tirsan maamulkiisa.
Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad oo ka mida wasiiro ku kacsan madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka sheegay inay taaeersan yihiin mooshinkii xilka looga qaaday C/kariin Guuleed.
Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed Xayir Nuur.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA XIL KA QAADISTA