Warbixin cusub oo diyaariyay Telefishanka Mareykanka laga leeyahay ee CNN ayaa lagu shaaciyay in tirada dhimashada ciidamada Kenya ee lagu dilay weerarkii Ceeclcade ay gaareyso 141 askari, iyadoo lagu tilmaamay qasaarihii ugu weynaa ee ciidamada Kenya soo gaara intii ay xormimada qaadatay 1963.
Warbixinta CNN oo si weyn loogu faahfaahiyay wixii ciidamada Kenya ee difaaca KDF ka qabsaday xerada Ceelcade ayaa markii ugu horeysay lagu kashifay sida dowladda Kenya u qarisay qasaaraha gaaray ciidamadeeda iyo jabka foosha xun ee gaaray ciidamada loo geeyay Soomaaliya.
Waxaa maqan ciidamo badan oo raq iyo ruux la waayay, waxaana arrinta qasaaraha gaaray ciidamada Kenya ay ku tilmaameen khubarada ciidamada musiibo ciidan oo aan hore loo arag, marka laga eego dayacnaanta ciidamada Kenya oo ka howgalayay dhul caddow ku sugan yahay.


Goobjooge.com


