Sunday, July 6, 2025

C/rashiid Xiddig oo inkiray dagaalada xuduuda: “Meesha dagaalku ka dhacay waa gudaha Itoobiya”

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa dafiray in dagaaladii ka dhacay  degaano ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaceen gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in wasaarad ahaan ay iyagu ogyihiin in dagaaladu ka dhaceen gudaha Itoobiya.!

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xiddig
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xiddig

Isagoo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka Jimcaha ee Radio Muqdisho ayaa mas’uulkan sare ee ka tirsan xukuumada Soomaaliya  wuxuu  yiri: “Xogta aan heyno meesha dagaalku ka dhacay waa gudaha Itoobiya waa wadan kale xiriirkuna waa yar yahay” wuxuunta intaas ku daray inay haboon tahay in qaab  laba dowladood ah looga wadahadlo arrinta.

Guddoomiyaha Gobolka Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo iyo guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Bashiir Xuseen Dhoore ayaa caddeeyay in dagaalada oo dad badani lagu laayay ay ka dhaceen qaarkood tuulooyink ku yaala gudaha Soomaaliya siiba Goboladda Galgaduud iyo Hiiran, waxayna ku eedeeyeen in ciidamada is-maamulka Itoobiya ee Liyu-Police ay laayeen dad shacab ah oo fara badan.

C/rashiid Xiddig oo sidoo kale ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore loogu yaqaanay taageero aan xad lahayn oo uu siiyo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, waxaana hadda muuqata inuu dano u gaara ka door biday xaqiiqada ka jirta gobolada dagaaladu aafaayeen isagoo iska dhega tiray warbixinada wasaaradiisa hayso ee ku saabsan dagaaladaasi isagoo khilaafay hadalada maamulada Gobolada Galgaduud iyo Hiiran oo wasaaradiisa hoos yimaado.

Tani waxay marqaati u tahay sida qabiilku uga weyn yahay qaranimada oo mas’uuliyadda qaran loogu adeegsato in lagu inkiro xaqiiiqada jirta haddii ay danaha beesha ka hor imaaneyso.

Dhageyso Faaqidaada toddobaadka VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON