Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xersi oo dhowaan iska casilay wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ayaa maanta loo dhaariyay xilka Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha; jagadan oo loo magacaabay 9-kii Bishan Febraayo kadibna uu aqbalay.
Xukuumadda cusub ee Cumar C/rashii ayaa ah dowladii ugu wasiiru-dowleyaal badneyd abid inta la ogyahay ee laga dhiso Soomaaliya, waxayna hadda wasiiru dowleyaashu gaareen 15.
C/raxmaan Dheere ayaa noqonaya wasiiru dowlihii afraad ee uu yeesho Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waxaana hore u jiray saddex wasiiru dowle oo xafiiskan ku qoran, kuwaasoo kala ah:
- Burci Maxamed Xamsa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’adda (Deegaanka)
- Caadil Sheegow Sagaar Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Baarlamaanka
- Shariif Maxamed Xasan Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha dib u-habaynta Maaliyadda
[ad name=”HTML-2″]
C/raxmaan Dheere ayaan howl gaara loo magacaabin, iyadoo la sheegayo inuu yahay wasiiru dowlaha ugu sareeya, iyadoo aan lo ogeyn, sida wasiiru dowleyaal simani u kala sareyn karaan, waxaase muuqata in diidmadii wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga kadib uu ka door biday inuu ka shaqeeyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo sidoo kale uu joogo ra’iisal wasaare bilaa wasaarad (xaqiiba) ah.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]