Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo saxaafada ugu yeeray hoygiisa magaalada Garowe ayaa codkiisa ku biiriyay qaabka doorasho dalka uga dhaceyso, isagoo eedeyn ba’an u jeediyay dowladda federaalka iyo dadka ka qeyb galaya shirarka wadatashiga ah.
Faroole ayaa tuhmay inuu socdo qorshe la doonayo in dib xilka loogu soo celiyo dowladda hadda jirta. Wuxuuna intaas ku daray in shirarka dalka ka socda laga qeyb geliyay dad aan xog badan dalka ka ahayn, wuxuuna ku taliyay in doorashada soo socota ee Soomaaliya lagu saleeyo deegaan oo aan dib loogu soo noqon nidaamka qabiilka ee 4.5
Dadka rayidka metelaya ee wadatashiga ka qayb galaya ayuu ku dhiirigeliyay inay iska diidaan haddii nidaamkii qabiilka dib la isagu raaco in doorashada lagu galo, wuxuna aragtidiisa ku sheegay inay ku qabsoomi karto awood qaybsiga degaanka taasoo horay loogu heshiiyay, isagoo aan sheegin qaabka loogu heshiiyay.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo daliishanaya qodobo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa kusoo beegmay iyadoo xilli si weyn magalooyinka dalka intooda badan uga socdaan wadatashiga qaabka ay noqon korto doorashada Soomaaliya ee 2016.
DHAGEYSO HADALKA FAROOLE
Goobjooge.com