Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay kawada hadleen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo wakiilada Beesha caalamka ee hadda ku sugan magaalada Garowe. Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiiradii maamulka Faroole iyo maamulkiisii.
Faroole ayaa sheegay inay kala hadleen wakiilada beesha caalamka inay kala hadleen arrinta 4.5-ka, islamarkaana ay u gudbiyeen qoraal ay kaga hadlayeen, heshiiyadii horae loo galay oo aan la fulin iyo siduu sheegay Faroole Dastuurkii oo meel looga dhacay oo laga bixi lahaa kumeel gaarnimada.
Wuxuu ku eeda oo dhan saaray dowladda Federaalka isagoo inayu qoraal ay diyaariyeen ka akhriyeen wafdiga hortiisa. Saddex sano iyo shan bilood ayuu sheegay in laga joogo xiligii la doortay Xasan Sheekh, maantana aysan ahayn in laga welwelo wixii la sameyn lahaa, eedeedana uu leeyahay Madaxweyne Xasan Shiikh,oo ku tilmaamay inuu ku talo galay sidan.
Faroole aoo dhowaanahan culeys siyaasadeed ku hayo maamulka C/weli Gaas oo si joogto ahna u qabto shirar jaraa’id isagoo qaata mowqifyo siyaasadeed oo waaweyn ayaa dhinaca kale sheegay in Xasan Sheekh is hor taagay maamul goboleedyo dhismayey, si uusan dalka uga hirgalin federaal, sida Jubbaland, kadibna uu dhisay maamulo taagtaag ah.
Wuxuu maamulo aan jirin oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhistay ku tilmaamay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, wuxuuna ku dooday in beesha caalamka ay u sheegeen inay dhinacooda ay wax waliba fuliyeen oo beesha caalamka ay hordhigeen heshiisyadii ay xukuumadii Faroole la gashay dowladda Soomaaliya.
Goobjooge.com