Saturday, June 28, 2025

C/raxmaan Faroole oo shaaciyay inuu yahay Musharax jagada madaxweyne kula tartamaya Xasan Sheekh

Madaxwaynihii hore Puntland C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu xilkaasi kula tartami doono Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya inuu dib u soo laabto.

Isagoo ka hadlay heshiiskii Puntland iyo Dowladda Federaalka gaareen  oo Puntland ku aqbashay in qaabka 4.5. lagu dhiso Baarlamaanka soo socda ayuusheegay inuu ka xun yahay arrintaasi si weyna uga horjeedo, laakiin aanu wax  ka qaban karin.

Faroole ayaa ku eedeeyay dowladda Xasan Shiikh Maxamuud inaysan dalka waxba ka qaban kuna fashilantey nidaamkii Federaalka ee lagu aaminey, wuxuuna sheegay madaxwaynaha Soomaaliya uu dadaal ugu jiro sidii uu dib ugu soo laaban lahaa, taasina ay tahay in laga hor tago.

Hadalka Faroole ayaa kusoo  beegmay iyadoo la sugayay inuu ka hor yimaado heshiiska Puntland iyo Dowladda Federaalka, waxaase muuqata inuu isu diyaarinayo Musharaxnimo xilka madaxweynaha Soomaaliya oo aanu u babac dhici karin rabitaanka Itoobiya iyo Beesha Caalamka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON