Tuesday, June 24, 2025

C/raxmaan Faroole oo sida madaxweyne loogu soo dhoweeyay Garowe & taageerayaashiisa oo is muujiyay

Madaxweynihii Hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Sheieh Maxamud Faroole ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe ee xarunta Puntland iyadoo soo dhoweyntiisu ay ahayd mid aan hore oo arag oo ay ka qeyb galaan madaxdii hore ee maamulkiisa, mas’uuliyiinta maamulkiisa ka tirsanaa ee weli xil ka haya maamulka cusub, waxgarad iyo dadweyne  fara badan.

Farooleok

Dr. Faroole ayaa maalmahaan Tacsi ah u joogay magaaladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland, waxaan socdaalkiisa ku soo  beegmay iyadoo magaalada Garowe ay caadiyaan ku soo kordheyso mucaaradnimada loo hayo maamulka C/weli Gaas.

Soo dhoweynta heerka sare ah ee maanta Garowe ka dhacday ayaa fariin u ah madaxweyne Gaas iyo xukuumadda talada heysa iyadoo muujineysa in taageerada loo hayo madaxweynihii hore ay dadku ku cabireen sida ay u diidan yihiin siyaasadda C/weli Gaas. Faroole ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego maamula hadda ka taliya Puntland.

C/raxmaan Faroole ayaa markii uu ka degay Garowe wuxuu ka hadlay xaalada Soomaaliya isagoo sheegay in dadaalkii ay u galeen in kumeelgaarka laga baxo uu fashi ku dhammaaday, isagoo eedeyn u jeediyay madaxda dowladda Federaalka oo uu sheegay inay la xisaabtami doonaan.

DAAWO SAWIRO
IMG_0056

IMG_0063

IMG_0088
IMG_0115
[ad name=”HTML”] IMG_0190

IMG_0224

IMG_0267
IMG_0283 IMG_0292 IMG_0315 IMG_0335 IMG_0336 IMG_0338 IMG_0346 IMG_0350
IMG_0394
IMG_0411
IMG_0438
IMG_0444 IMG_0453 IMG_0459 IMG_0467 IMG_0472 IMG_0493 IMG_0495 IMG_0499 IMG_0501

Xuquuqda Sawirada waxaa leh Puntlandpost

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON