Wasiirka Arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ee tegay dalka Suudaan ayaa degdeg ugu laabtay magaalada Jowhar isagoo Muqdisho ay ka raaceen odayaal kasoo jeeda Beesha Xawaadle.
Odowaa iyo wafigiisa ku laabtay Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay Jowhar u tageen sidii ay shirka u xookin lahaayeen, isla markaana odayaasha ugala xaajooyin lahaayeen halka ay wax u marayaan kadib markii shirka dib loo furay Talaadadii.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiradiisa ayaa dadaal weyn ugu jira in xilliga yar ee haray lagu dhiso maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ah midka ka harsan maamulada dalka laga dhisi lahaa.
Goobjooge.com