Thursday, June 26, 2025

C/rxamaan C/shakuur oo kashifay cidda qabanqaabisay shirka Dowladda & Maamul Goboleedyada

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay cidda qabaqaabisay shirka Muqdisho uga furmay madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda mamul Goboleedyada dalka.C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa musharixiintii madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada uu yahay qorshihii lala tegi lahaa shirka London.

“Ujeedka shirka waa in qorshe midaysan ee dhinaca Amniga, siyaasadda iyo horumarka lala tagaa shirka London” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo bartiisa FB ku sheegay in shirka ay riixayaan  riixayaan Qaramada Midoobay iyo Dowlada Ingiriiska laakiin ay habooneyd in aan Soomaalida ay isu xilqaamaan, taasoo aan dhicin.

Warbaahinta ayaa hore u qortay in dowladda Federaalka ay u yeertay madaxda maamul Goboleedyada, laakiin waxa soo baxday in Ingiriiska iyo Q/Midoobay ay ka danbeeyeen shirkan Muqdisho la isugu keenay madaxda Soomaaliya.

Xoghayaha Arimaha dibadda UK Boris oo booqasho ku yimid Muqdisho 15Maarso ayaa madaxweyne Farmaajo ku ogoleysiiyay in shirkaasi dhaco Bisha May kadib kulan saacado kooban qaatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON