Monday, June 23, 2025

Cudurka Coronavirus oo ku faafay in ka badan 90 Dal & Dadka qaba oo kor u dhaafay Boqol kun oo Ruux..

Waxaa sii kordhaya dalalka uu ku faafayo cudurka COVID-19 ee uu keeno Virus-ka Corona, wuxuuna hadda gaaray 91 Dal sida ay faafisay Wakaalada Wararka AFP oo soo xigatay ilaha rasmiga ah ee dowladaha.

Dadka qaba cudurka ayaa sidoo kale sare u dhaafay 100,000 (Boqol kun) ruux, wuxuuna cudurkan u muuqdaa inuu faraha kasii baxayo oo dunida oo dhan saameyn ku yeeshay, waxaana 24 saac kasta soo kordha kumanaan dad cusub ah oo qaaday Coronavirus.

Dadka cudurka u dhintay ayaa gaaraya 3042, waxaana marka China laga reebo oo cudurku kasoo bilowday dalalka ugu darran ee uu faraha ba’an ku hayo ka mida:

Ad

South Korea: Waxaa cudurka qaaday ilaa hadda 6284, waxaana u geeriyooday 42 qof.

Iran: Wuxuu cudurku soo ritay 4747, waxaana u dhintay 124.

Italy: Waxaa qaba cudurka Coronavirus 4636, waxaana u geeriyooday 197 qof.

- Advertisement -

France: Waxaa cudurka laga helay 613

Japan: 1037 ayaa qaba cudurka oo 706 ka mida lagu karaantiilay Markab weyn oo ku xiran dalkaasi.

Germany: 639 ayaa qaba cudurka Coronavirus

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON