Tuesday, July 1, 2025

Cudurka Coronavirus oo tobanaan Soomaali ah ku dilay Yurub & Qaar kale oo u jiifa Isbitaallada.

Cudurka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa si weyn u galaaftay Soomaali fara badan oo ku nool qurbaha, siiba dalalka Yurub.

Dalalka ay Soomaalida ugu badan ugu dhinteen cudurkan waxaa ka mida Sweden iyo UK, waxayna saxafiyiin ku sugan dalkaasi sheegeen inay Soomaalida cudurka ugu dhintay dalkaasi ay ka badan yihiin 40 qof, qaarkoodna ay hadda la il darran yihiin.

UK waxaa Coronavirus ugu dhintay Somaali gaareysa 16 qof oo uu ka mid ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde, waxaana xaaladda uga sii daray in dadka uu cudurka ku dhaco lagu amrayo inay guryahooda joogaan, isla markaana aan waxba loo qabaneynin ilaa inta ay xaaladiisu meel halis ah ka gaarto.

Sweden oo ugu darran waxaa Soomaalida uga dhintay dad ka badan 20 oo ay ka mid yihiin odayaal magac ku lahaa jaaliyadda dalkaasi, waxayna u badan yihiin magaalada Stockholm, iyadoo ay weli dad badan u jiifaan isbitaallada.

Soomaalida dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya maahee, waxaan si tartiiib ah usoo kordhaya Soomaalida cudurkan ugu geeriyooneysa dalalka Holland, Finland iyo Denmark.

Arrintan waxaa loo aaneynayaa in Soomaalida ay yihiin dad isku dhex jira oo guryo ciriiri ah ku jiraan, ayna had iyo jeer baarar iyo goobo gaara isugu yimaadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON