Culimo Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay koox la baxday Saacidiin Bil-xaq oo dhowaan lagu dhawaaqay.
Bayaan ay soo saareen culimada ayay ku sheegeen in kooxda “Al-Saaddicuun bilxaq” ayay ku tilmaameen koox caqiidada u qaatay si qaldan islamarkaana umadda Muslimiinta ah gaaleysiinaya.
Culimada ayaa dadka Soomaaliyeed uga digtay inay ka digtoonaadaan fikirka kooxdan, waxayna soo saareen lix qodob oo kooxdaasina ay ugu baaqeen inay umadda ka daayaan gaaleysiinta kana towbad keenaan hadallada ka soo baxay toddobaadkii hore gaar ahaan bayaankoodii 2aad oo xusayay in Dadka hadda jooga oo dhan ay gaalo yihiin loona baahan yahay in ay dib u islaamaan.
Culimada kulanka ka hadashay waxaa ka md ahaa: Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheekh C/Qaadir Soomoow iyo cuilmo kale.