Sunday, June 29, 2025

Cumar C/rashiid oo Baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan Heshiiska Doorasha 2016

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiir ayaa Baarlamaanka Federaalka ka codsaday inuu ansixiyaan Heshiiska qaabka Doorashada ee 2016 oo ay ku heshiiyeen madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Maamulada dalka.

Cumar C/rashiid oo maanta Baarlamaanka u gudbiyey qorshaha Xukumadda  ee doorashooyinka  dalka  2016, ayaa sheegau in aqalka hoose ee Barlamaanka uu ka kooban doono 275 Xildhibaan kuwaasi oo lagu soo xuli doono hananka beelaha ee 4.5,  aqalka sare ee Baarlamaankana ka koobnaan doono 54 mudane ay ku imaanayaan  6-da  maamul goboleed ka jira dalka , isla markaana hawenku ku yeelan doonaan %30  golle kasta, iyadoo doorashada ay ka dhaceyso caasimadda dowlad goboleedyada jira, marka laga reebo maamulka Somaliland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xildhibanaadda u akhriyey qorshaha Xukumadda  ee  doorashoooyinka dalka ayaa tilmaamay in hanaanka doorasho uu ku yimid wadatashi loo dhan yahay , isagoo  golaha shacabaka ka dalbaday  inay meel mariyaan.

Qorshaha doorashooyinka  2016-da ayaa loo qeybiyay  xildhibaanada, waxaana guddoonka Baarlamaanku xildhibanaada ka codsaday inay soo akhristaan maalinta beri ah, iyadoo dooda qaabka doorashada ay bilaaban doonto isniinta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON