Wednesday, June 25, 2025

Cumar C/rashiid oo kulamo uu codsaday uga socdaan Muqdisho (Akhri warbixin)

Musharaxa lagu wado in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaare cusub ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo kala gaara la leh mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiin ku sugan Muqdisho, arrintaas oo dib u dhac ku riday magaabiddiisa.

Xubnaha uu la kulmay marka laga reebo madaxweynaha iyo kooxda ku xeeran ayaa waxaa ka mida Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo muddo laba jeer ah uu shir la yeeshay, Diblomaasiyiinta wakiilada Dalalka Yurub iyo Mareyknka ka jooga Muqdisho oo ay ku jiraan wafdiyo dhowaan tegay Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay maanta is arkeen.

[ot-caption title=”CUMAR IYO KULAMADA MUQDISHO” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/12/Cumar-hamb.jpg”]

Kulamadan ayaa lagu micneeyay inay gogol xaar u yihiin magacaabidiisa, waana kuwo uu dalbaday Cumar C/rashiid si uu xaaladda wax badan uga ogaado inta uusan aqbalin xilka loo magacaabayo oo isna ku xiran shuruudo kale oo ay hordhigeen madaxweynaha iyo kooxdiisa (Akhri shuruudaha madaxweynaha ku xiray magacaabidda Cumar C /rashiid).

Cumar C/rashiid oo shalay subaxnimadii soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wadahadalka ugu dheer la yeeshay madaxweynaha oo ay wehliyaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana si rasmi ah shalay loogu bandhigay inuu aqbalo xilka ra’iisal wasaaraha, isla markaana saxiixo golaha wasiirada oo diyaarsan intooda badan.

Cumar ayaa dalbaday la-tashiyo uu la sameeyo dad kala duwan, taasoo si dirqi ah looga aqbalay, waxaana la saadaalinayaa inuu aqbali doono shuruudaha madaxweynaha loona magacaabi doono Ra’iisal wasaaraha saddexaad ee dowladda Federaalka, kana hoos shaqeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON