Tuesday, June 24, 2025

Cumar C/rashiid oo loo magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya (Taariikh nololeedkiisa)

Xafladda magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ka bilaabatay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhammaan xubnaha golaha wasiirada loogu yeeray inay ka soo xaadiraan xafladda oo ka dhaceysay xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay maqribnimadii maanta magacaabista Cumar C/rashiid isagoo ka codsaday inuu soo dhiso xukuumad gole wasiiro  ka kooban. Xafladda oo ahayd mid kooban waxaa goobjoog ahaa oo ka dhex muuqday xubno badan oo ka mida golayaasha wasiirada iyo wasiirada oo ay ku jiraan xubno xilka ra’iisal wasaaraha rajo ka qabay.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  ayaa loo magacaabay xilka Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo hayay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Mareykanka.

“Ambassador waad garaneysaan waa safiirkeenii Mareykanka shaqo fiican ayuu ka soo qabtay, Ra’iisal wasaare hore ayuu dalka ka soo noqday, waxaan rajeynayaa in howshii socotay oo sii wadi doono, ayna ku qaadan doonin waqti dheer” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisal wasaaraha la magacaabay Cumar C/rashiid ayaa uga mahad celiyay magaaabidiisa madaxweynaha, wuxuuna intaas raaciyay balanqaad uu sheegay inuu halkii ka sii wadi doono howshii socotay iyo hiigsiga 2016-ka,

This slideshow requires JavaScript.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka la horgeeyo inkastoo uu socdo mooshin la doonayo in lagu dalbado mar qura in la keeno Baarlamaanka Raiisal wasaaraha, xukuumadiisa iyo qorshaheeda.

Taariikh nololeedkii ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

Cumar C/rashiid CaliCumar C/rashiid Cali Sharma’arke wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 19/06/ 1960kii.

CURRICULUM VITAE

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Name: Omar A.A. Sharmarke
Date of Birth June 19, 1960
Marital Status: Married
Gender: Male
Nationality: Somali
E-mail: [email protected]

EDUCATION:

· Masters of Arts in Political Economy, Carleton University , Ottawa , Ontario , Canada (2000).
· Bachelor of Arts (High Honors) in Political Science, Carleton University , Ottawa , Ontario , Canada (1998).
· Bachelor of Arts in Economics, Somali National University , Mogadishu , Somalia (1984).

EMPLOYMENT:

Somali Ambassador to USA- Washingtion  2014

Somali Interim Prime Minister 2009-2010

Transitional Federal Government (TFG) of Somalia
Foreign Policy Advisor, Oct. 2007.

United Nations (UN)
Political Adviser, Darfur-Darfur Dialogue and Consultations (DDDC),
Seconded to the African Union Mission in Sudan (AMIS), Sep. 2006 – Sep. 2007.

United Nations (UN)
Political/ Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNMIS,
Sudan, Jan. 2006 – Aug. 2006.

United Nations (UN)
Political/Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNAMSIL,
Sierra Leone, Aug 2000 – Dec 2005.

Center for Peace and Democratic Initiatives (CPDI)
Director of Africa Program, Ottawa , Canada , Mar. 1993 – June 2000
East Africa Project Coordinator, Ottawa , Canada , July 1992 – Feb. 1993.

Somali Development Bank,
Project Consultant, Mogadishu, Somalia Jan. 1988 – Dec. 1990.

Coca Cola, Somali Bottling Company Ltd.
Consultant and Member of Board of Directors,
Mogadishu, Somalia, Sep. 1984 – Dec. 1990.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON