Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wareegto ku magacaabay
Gudiga Matalaada iyo Maqaamka Caasimadda Soomaaliya oo kasoo talo bixin doona sida Gobolka Banaadir metelaad ugu yeelanayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddigan uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha ayaa ka kooban 19 Xubnood oo kala kala socda Dowladda Federaalka, Maamulada dalka iyo xubno ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana arrintan lagu go’aamiyay Shirkii Baydhaba ee Madasha Qaran.
Akhri : Qodobadkii ka soo baxay shirkii Madasha ee Baydhaba
Guddigan ayaa loogu talogalay inuu warbixin u gudbiyo Madasha Qaran 17-ka Bishan, waxayna ahayd in la magacaabo horaanta bishan July, laakiin waxaa muuqata in maalin kadib xilligii oo qoondeeyay inuu Guddiga soo dhameeyo howshiisa la magaaabay, waana dib u dhac weyn oo ka jira doorashada 2016 oo qarka u saaran inay muddo bilo ah dib u dhacdo.
Waxaa la magacaabay Guddi kasoo talo bixiya Maqaamka magaalada Muqdoisho Gudigu wuxuu ka kooban yahay 19 Xubnood oo ay 5 ka mid ah ay soo magacawday DFS, halka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banadir ay soo macaabeen mid labo Xubnood, Guddiguna wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17 Luulyo July 2016-ka [QODOBADKII SHIRKII BAYDHABA]
Waxaa kaloo xusid mudan inaysan Wareegtada Cumar C/rashiid ku qorneyn xilliga uu jirayo guddiga iyo waqtiga uu soo gudbinayo taladiisa midna.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA RA’IISAL WASAARAHA IYO MAGACAYADA GUDDIGA
Goobjooge.com