Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa galabta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo uu ka bilaabay waanwaan cusub oo nabadeed.
Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul WasaareCumar C/rashiid Cali ayaa gaaray Magaalada Cadaado iyadoo ay garoonka ku soo dhoweeyaan madaxda Galmudug, waxaana caawa uu bilaabay wadahadal uu halkaasi kula leeyahay madaxda Galmudug.
Qorshaha nabadeed ee Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay ka dambeyso Beesha caalamka, waxaana uu ku saabsan yahay xal laga gaaro colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo mar kale labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntalnd la isgu keeni doono magaalada Gaalkacyo.
Cumar C/rashiid oo ahaa mas’uulkii hore uga shaqeeyay heshiiskii nabadeed ee labada dhinac gaareen 2-dii Disembar ee kal hore ayaa hadda lagu xoojiyay go’aan adag oo ka soo baxay Beesha Caalamka, waxaana lagu wadaa inuu Cadaado kadib tago Garowe iyo Gaalkacyo.
Goobjooge.com