Thursday, June 26, 2025

Cumar C/rashiid oo wasiirada xukuumadiisa ku amray fulinta qorshe cusub oo lagu fashilinayo Mooshinka Madaxweynaha

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa xubnaha Golaha wasiirada ee xukuumadiisa amar ku siiyay in wasiir waliba uu kalsoonida xildhibaanada beeshiisa, isla markaana ka saaro xildhibaanada saxiixay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, wuxuuna si cad ugu sheegay in wasiirkii ku guuleysan waaya arrintan uu ku bixi doono isku shaandheynta lagu sameyn doono golaha wasiirada marka la fashiliyo mooshinka madaxweynaha kadib.

Cumar-Cabdirashiid

Amarka culus ee Ra’iisal wasaaraha ayaa ka mida qorshe madaxweynaha iyo tageerayaashiisa ku doonayaan inay meesha uga saaraan mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhinaca kale uu socdo qorshe beelaha Hawiye xildhibaanadooda looga saarayo mooshinkaasi.

Wasiirkii ugu horeeyay ee ku guuleystay arrintan wuxuu noqday wasiirka  Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federaalka Guuleed Xuseen Qaasim oo xildhibaanada Beeshiisa ka saaray saxiixayaasha mooshinka madaxweynaha kadib kulamo is dabajooga oo uu la yeeshay xildhibaanadaasi.

Waxaa socda shirar is dabajooga oo xubnaha golaha wasiirada ugu xusul duubayaan si ay kalsooni uga helaan xildhibaanadooda, iyadoo Ra’iisal wasaaruhu markaas ka hor kulamo la yeeshay xildhibaanada Mooshinka wada oo ka dalbaday in lagu soo daro Golaha wasiirada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON