Friday, June 27, 2025

Cumar C/rashiid oo xafiiskiisa u magacaabay xoghaye ay qaraabo yihiin

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maalmahan ku jira magacaabid xilal kala duwan ayaa xilkii ka qaaday xoghayaha xafiiskiisa isagoo magacaabay mas’uul cusub oo xilkaasi shalay la wareegay.

Agaasime

Waxaa xilka laga qaaday xoghayihii hore ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maxamed Cali Nuur oo xilka hayay tan iyo intii la magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana xilkaasi loo magacaabay  nin dhalinyaro ah oo qurbe joog ah oo lagu magacaabo C/salaan Salwe.

Xoghayha cusub ayaa la sheegay inay isku beel kasoo wada jeedaan Ra’iisal wasaaraha isagoo ka door biday xoghayihii hore maadaama xilli kala guurka la galayo, wuxuuna arritan kala mid noqday madaxweyne Xasan Sheekh oo tallaabadan oo kale dhowr jeer hore u qaaday.

Waxaa madaxda sare caadiyan xilliyada kala guurka ah ay isku wareejiyaan xubno ay isku beel yihiin, waxaana la magacaabaa xilal fara badan oo la siiyo dad xigto iyo saaxiibo ah si ay ula jaanqaadaan isbedelka soo socda iyo dowladaha jidka ku soo jira iyadoo aysan madaxda sare hubin inay soo laabanayaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON