Tuesday, July 8, 2025

Cumar C/rashiid: “Qardho xusuus gaara ayay ii leedahay, waa meeshii aabahay…..”

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maalmahan ku sugnaa degaanada Puntland ayaa tegay degmada Qardho isagoo sheegay in xusuus gaar ah iyo muhiimad ay u leedahay degmadaasi oo ay tahay  magaaladii Aabihi is oo ahaa Madaxweynihii u danbeeyey ee Soomaaliyeed oo Baarlamaan dadku doorteen ay doortaan uu ka soo galay Baarlamaanka.

Cumar-burhan
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid & Boqor Burhaan

Cumar C/rashiid ayaa oo la dejiyay aqal loo diyaariyay oo magaalada uu kasoo jeedo looga diyaariyay ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxayna sheegeen inuu magaaladau yimid si ay magaalada Qardho ay dadkeeda ula qeybsadaan  farxadda ciidd.

Mar uu ka hadlay Ra’iisal wasaaraha arimaha la isku hayo ee federaalka in Puntland tahay hooyadii Federaalka aysanna jiri doonin in  maamul kasta oo la dhiso ay waxyeelo ka soo gaarto. Wuxuuna ugu baaqay madaxda Puntland inay dulqaad muujiyaan. “Waxaan wadnaa sidii Soomaali u midoobi lahayd , Qarankan hal maalin kuma dumin, hal maalina kuma dhismi karo” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isna uga mahad celiyey Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Qardho, Wuxuuna ka codsaday sidaas oo kale u maraan degaamada kala duwan ee dalka.

Xubnaha la socda Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, Xildhibaan C/wahab Ugaas Khaliif, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaan Faarax Cawad, Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf iyo xubno kale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON