Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayay oo kasoo laabtay shirkii dalka Belgium ee lacagaha loogu Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dalka Kenya ayaa sheegay inuu shirkaasi guul ku soo dhammaaday.
Cumar C/rashiid oo warbaahinta kula hadlay Garoonka ayaa sheegay in dib u dejinta qaxootiga Soomaalida looguyyaboohay lacag ka badan 100 Milyan oo doolar.
Lacagta deeqda ah ayuu xusay Ra’iisal wasaaraha inay qeyb ka tahay 500 Molyan doolar oo loogu talagalay in muddo afar sano ah lagu soo uruurriyo, si qaxootiga ku sugan xeryaha dhadhaab dalkooda loogu soo celin lahaa.
Cumar Cabdirashiid wuxuu caddeeyay inay hore dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNCHR ay wada saxiixdeen heshiis saddex geesood ah, kaasoo ku saabsanaa in qaxootiga doonaya in dalkooda ay ku soo laabtaan laga caawiyo wixii ay ku soo laaban lahaayeen.
Goobjooge.com